Talaalka Cudurka Covid 19 Oo Lagu Baaqay In Wax Ka Bedel Lagu Sameeyo

Hay’adda caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), ayaa ugu baaqday dowladaha hodanka ah iyo warshadaha dawooyinka, in ay isbeddel weyn ku sameeyaan itiraatiijayaddooda ku aaddan soo saarista iyo keenista tallaalka Covid-19.

Madaxa ICRC ee ka shaqeeya Covid, Esperanza Martinez, ayaa sheegay in boqolkiiba 2 tallaalada la heli karo la geynayay 50-ka dal ee ugu saboolsan.

Meelaha qaar, xitaa shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ku jira ayaan weli helin tallaal.

Dr Martinez, ayaa sheegay, in halista adduunka ka jirta ay tahay, haddii aan si caddaalad ah wax loo qeybin, bulshooyinka danyarta ahna aan la tallaalin ay abuuri karto, in uu dhasho nooc cusub oo cudurkan ka farcama, taas oo aan tallaalka wax ka qabaneyn.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dad Shacab Oo Ku Dhintay Madaafiic Ay Ciidamada Amisom Ku Garaaceen Qoryooley Iyo Tirada Dadka Dhintay

Bnnstaff Bnnstaff

Wasaarada Qorshaynta Somaliland Oo Borama Ku Qabatay Shirka Dhamaystirka Qorshaha Qaranka

Bnnstaff Bnnstaff

” Sirdoonka Maraykanka” Shiinuhu Waa Halista Ugu Wayn Ee Dimuqraadiyada Iyo Xoriyada Maraykana”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More