Ciidanka Amaanka Ee Maamulka Puntland Oo Markale Gacanta Ku Dhigay Khamri Iyo Raggii Watay

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa xalay gacanta ku dhigay Jawaano lagu soo dhex qariyey khamri farbadan oo la doonayay in la geliyo gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaas.

Khamrigaan ayaa waxaa lagu qabtay Bar koontarool oo gadiidka lagu baaro xiliyada habeenkii, waxaana Ciidanka amniga Gobolka Bari ay qabteen gaariga lasoo saaray Jawaanada khamriga iyo rag dhalinyaro ah oo la socday.

Saraakiisha amniga Boosaaso ayaa sheegay in khamriga la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo gudaha Magaalada, hayeeshee laga hortegay, isla markaana gacanta lagu haayo raggii watay, ayna ku socdaan baaritaano.
Sidoo kale Saraakiisha Booliska Gobalka Bari oo warbaahinta u soo bandhigay Khamrigaan ayaa ku boggaadiyay laamaha amniga ka hortega waxyaabaha maanka dooriya oo qeyb ka ah amni darro dhacda.

Ugu dambeyn Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in Khamrigaan la gubi doono, waxaana Digniin ay u direen dadka doonaya inay gudaha Magaalada Boosaaso uga dhex ganacsadan khamriga iyo maandooriyeyaasha kale.

Shalay ayey aheyd markii Ciidanka Booliska Gobolka Bari ay gacanta ku dhigeen khamri farabadan oo la rabay in si qarsoodi ah loo geliyo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana dhowr jeer halkaas lagu qabtay khamri badan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xisbiga Wadani” Shaqo La’aantii Dalka Ka Jirtay Wuu Sii Kordhiyay Dagaalka Magaalada Laascaanood”

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Sudan Oo Hanjabaad Culus U Soo Dirtay Dowlada Itoobiya Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo War Kasoo Saaray Geerida Korneel Cismaan Jeelle.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More