Ciidamo Itoobiyan ah oo Weerar Ku Qaaday Cisbitaal Iyo Fah faahin kasoo baxaysa

Askarta Itoobiya ayaa weerar ku qaaday cisbitaal ku yaalla waqooyiga magaalada taariikhiga ah ee Aksum ee gobalka Tigray, iyagoo baadi goobaya xubno katirsan kooxda TPLF .

Ciidamada ayaa qoryo ku qabtay dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha caafimaadka waxayna su’aalo weydiiyeen bukaannada dhaawaca ah,waxaa sidaasi wakaaladda AFP u sheegay shaqaalaha caafimaadka oo magacyadooda qariyay.

Sidoo kale askarta ayaa dadka dhawaacayada qaba ka qaadayay faashadaha ku xiranaa iyo faloobooyinka iyagoo dhaqaatiirta iyo kalkaaliyaasha ku cabsi galinayay qoryaha.

Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, oo taageerta cisbitaalka ayaa xaqiijisay dhacdadaan, war ay soo saartayna waxay ku sheegtay in askartu ay cabsi galiyeen shaqaalaha isla markaana ay u hanjabeen .
Waxaan aad uga walaacsan nahay xadgudubyada joogtada ah ee kooxaha hubeysan ay ku hayaan howlaha caafimaad,” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay MSF.

Raiisul wasaare Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyay in weerar lagu qaado gobolka Tigree sanadkii hore kadib markii dagaalyahannada kooxda TPLF ay weerareen fariisimo militari oo ay ku sugnaayeen ciidamada federaalka Itoobiya.

Isku dhacyadaas oo muddo socda waxaa ku dhintay kumanaan qof tiro intaaka badana way ku barakaceen.

Related posts

Taliska Ciidanka PSF Oo Aqbalay Xabad Joojintii Ay Ku Baaqeen Odayaasha dhaqanka

Bnnstaff Bnnstaff

Deni Iyo Axmed Madoobe Oo Iskaga Dhoofay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Taageero Hor Leh Ka Dalbatay Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More