Dawladda Soomaliya oo Sheegtay in Hawlgal Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Al Shabaab

Howlgalka oo ahaa mid ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururada 83-aad 84-aad ee guutada 14-ka oktoobar waxaa ay ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhamme Nuuradiin Macalin Xuseen oo howlgalka hogaaminayay ayaa u sheegay Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida in Ciidamada ay howlgalka ka fuliyeen tuulada busleey oo hoostagta degaanka janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamadabay howlgalka ku dileen 6 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa Tuulada Busleey ee degaanka Janaale.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii wadi soonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga saarayo degaannada ku xeeran Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kamid yahay degaannada ugu badan oo Ciidamada dowladda ay holwgallada ka fuliyaan, hayeeshee waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Al-Shabaab.

Related posts

Madaxwayne Deni Oo Daahfuray Manhaj Waxbarasho Oo Gaar U Ah Maamulka Puntland

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Gobolka Tigreyga Ee Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

“Muuse Iyo Cirro Ayaa Ku Tartamaya Qabyaaladda, Madaxweynuhu Malaa Wuu Igu Riyoodey ….“ Gud Faysal

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More