Dowladda Hindiya ayaa diiwaan galisay in xanuunka Karoona ay dalkeeda ugu dhinteen saacadihii ugu danbeeyay dad ku dhaw afar kun oo ruux.
Hindiya ayaa 24’kii saac ee ugu danbeeyay diiwaan galisay kiisas gaaraya 276,110 oo marxaladaha cusub ee xanuunka carona ah taas oo kiisaska guud ee la diiwaan galiyay ka dhigtay 25.77 milyan.
Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Hindiya ayaa dadka illaa iyo haatan xanuunka Covid-19 u dhintay ku sheegtay in tiro ahaan ay gaarayaan 287,122 ruux.
cudurka dilaaga ah ee covid 19 ayaa saameyn waxa uu ku yeeshay wadamada caalamka iyadoona dalalka qaar ay ilaa iyo hada ay la tacaalayaan sidii loo xakameyn lahaa saameyntiisa.