Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Madaxda Dowlada Somaliya Iyo Madaxda Dowlada Goboleedyada

Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa dhameystirka heshiiskii 17-kii Sep iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo Madaxda aysan weli heshiis rasmi ah ka gaarin.
Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa waxaa uu qorshahu yahay inuu Shirka ka furmo Teendhada Afisyooni, waxaana Shirka guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo la wareegay maamulka Doorashada.

Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka qeyb galaya Shirka, iyadoona Maanta la filayo inuu Caasimadda yimaado Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo ku sugan Jowhar.

Beesha Caalamka iyo Midowga Musharaxiinta ayaa taageero u muujiyay Shirka furmaya, iyagoona wadada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in Madaxda ay heshiis rasmi ah uga gaaraan khilaafka hareeyay doorashada dalka ka dhaceysa.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Muqdisho:- Qaar Ka Mid Ah Waalidiinta Dhalinyo Tobabar Loogu Qaaday Eritrea Oo Banaanbax Dhigay

Bnnstaff Bnnstaff

Taliska Booliska Somaliya Oo War Ka Soo Saaray Haween Muqdisho Lagu Laayay

Bnnstaff Bnnstaff

Guddiga Doorashooyinka Dowlad Gobaleedka Hir-Habeelle Oo Guddoon Doortay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More