Dowlada Itoobiya Oo Masaafurisay Wariye Ajnabi Ah Oo Ka Hawlgalayay Wargays Caan Ah

Dowladda Ethiopia waxay xaqiijisay inay masaafuriyeen Weriye Ajnabi ah oo u shaqeeya Wargeyska The New York Times, kadib, markii ay kala laabteen Laysinkii uu ku hawlgeli jirey.

Go’aanka lagu cayriyey Saxafiga Simon Marks oo u dhashay dalka Iredland ayaa lagu sheegay inay timid, kadib, markii uu Warar aan isku dheelitirnayn ka tebiyey Colaadda ka socota Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga dalkaasi, waa sida hadalka loo dhigay.

Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn ee Reporters Without Borders (RSF) waxay cambaareeyeen Saxafiga laga soo masaafuriyey Ethiopia, iyadoo ay cayrintaasi tahay tii ugu horeysay ee lagula kaco Suxufiyiinta Ajaaniibta, tan iyo markii uu RW Abiy Ahmed la wareegay Talada dalkaasi.

Maamulka Wargeyska The NYT waxay sheegeen inay Saraakiisha Ethiopia ay Simon Marks ugu yeereen Kulan maalintii Khamiista ee la soo dhaafay, isla markaana ay 8 saacadood ku hayeen Garoonka, ka hor intaysan isaga saaarin Duullimaad saqdii dhexe ee xalay.

Dhinaca kale, Saxafiga Simon Marks waxa uu Bartiisa Twitterka ku qoray inaysan Saraakiisha Socdaalka oo keliya ka hor-joogsanin inuu guriga ka soo qaato Hantidiisa iyo inuu soo macasalameeyo saaxiibtiisa iyo wiilkiiisa 2-jirka ah

Madaxa Hay’adda Warbaahinta Ethiopia, Maxamed Idris oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP waxa uu tilmamay inuusan Saxafiga Simon Marks Joogitaan Ganacsi ku lahayn gudaha Ethiopia iyo isagoo aan lahayn Laysinka Warbaahineed ( A Media Licence).

Simon Marks waxa uu dalka Ethiopia ka shaqeynayey tan iyo sanadkii 2019-kii, iyadoo Warqadda Fasaxa Deganaanshaha (Residence Permit) ee uu ku joogay Ethiopia ay ka dhcii doonto bisha October ee sanadkan 2021-ka.

Saxafiga waxa uu bishii March 4-dii ee sanadkan booqasho ku tegay Gobalka Tigrayga, wuxuuna ka diyaariyey Warbixin uu kaga hadlay Tacadiyo Kufsi baahsan oo ka dhacay Gobalkaasi oo ay Ciiddanka Federalka kula dagaalamayaan Maleeshiyda Difaaca Tigrayga ee Tigray Defence Forces (TDF).

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Khabiirkii Nukliyeerka Dowlada Iiraan Oo La Dilay Iyo Ciidamo Ingiriis Ah Oo Ilaalin Doona Xarumaha Shidaalka Sucuudiga

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo War Ka Soo Saaray Xaalada Dalka Itoobiya Digniina U Dirtay Muwaadiniinteeda Ku Sugan Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin Ku Saabsan Halista Isbedelka Cimilada Aduunka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More