Xasan Sheekh Oo Qoraal Kasoo Saaray Xaalada Dalka Iyo Shirka Doorashada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa qoraal gaar ah kasoo saaray xaalada dalka Soomaaliya iyo shirka looga hadlayo arrimaha doorashada ee ka socda Magaalada Muqdisho.

Qoraalka Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay shirka wadatashiga ee ka socda Muqdisho, iyada oo la rajeeyay inay kasoo baxaan wax guul ah & natiijooyin wax ku ool ah si looga gudbo caqabadaha doorashada.

 

” Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa, Heshiis wadar oggol ah oo laga gaaro maamulka doorashooyinka waqtigooda dhaafay waxay ummadda Soomaaliyeed u leedahay muhiimmad weyn oo ku qotonta jiritaanka dalkeena iyo wax la qeybsiga dunida asaaggeena ah ayuu yiri” Xasan Sheekh.

Sidoo kale qoraalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay ku jirto xaalad halis ah oo u baahan in loo wada istaago lagana badbaadiyo burbur hor leh. Dhammaanshaha muddo-xileedka sharciga ah ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka oo hubanti la’aan geliyay dowladnimada dalka

Xafiiska Wararka BoramaNews

Wararka BoramaNews

Related posts

Gabdhihii Ugu Horeeyay Ee Ka Tirsan Ciidanka Booliska Gaarka Ah Ee Somaliya Ee Haramcad Oo Tababar Loo Soo Xidhay.

Bnnstaff Bnnstaff

Iran Oo Ururka Xamaas Ee Falastiiniyiinta Ugu Deeqday Diyaarado Drone Ah Iyo Xogo Kale Uu Muhiim Ah

Dood Adag Oo Ka Taagan Dheelitir La’aanta Miisaaniyada 2021ka Ee Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More