Qaar Ka Mid Ah Midowga Murashaxiinta Iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Kulan Ku Yeeshay Muqdisho

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho kulamo gooni gooni ah ku yeeshay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur galbeed & sidoo kale Musharixiinta kala ah Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur & Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Kulamadaan ayaa waxaa diirada lagu saaray xaalada Dalka, Arimaha Doorashooyinka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadah horyaal doorashada looguna hehsiin lahaa shirka wadatashiga ee ka socda Muqdisho.

Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa ka dalbaday Madaxweynayaasha Saddexda dowlad Goboleed inay ku dadaalan sidii uu u guuleysan lahaa shirka wadatashiga doorashooyinka si dalka ay uga dhacdo doorasho xur iyo xalaal ah.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Muqdisho ka socday kulamo looga hadlayo khilafka doorashada, kaas oo u dhaxeeyay Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Musharixiinta, waxaana la filayaa in kulamada ay noqdaan kuwo sii socda.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasaarada Deegaanka Somaliland Oo Ka Hadashay Khilaaf Ka Taagnaa Dhul Ku Yaala Duleedka Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg” Waxaan Aaminsanahay In Ayna Somalidu Ayna Kala Go’i Karin ” Pro Ismaciil Hure Bubaa

Bnnstaff Bnnstaff

Amisom Oo Bilawday Baadhitaanka Duqaymaha Ay Kenya Ka Gaysatya Gobolka Gedo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More