Wararkii Ugu DAmbeeyay Ee Shirka Wadatashig Arimaha Doorashooyinka Somaliya Iyo Qodobo Culus Oo Laga Doodayo

Waxaa Maanta Maalintii Afaraad oo xiriir ah galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee ka socda Xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, kaas oo u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka oo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada Soomaaliya, iyada oo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii September iyo kii Guddiyada farsamo ee Magaalada Baydhabo ayaa waqti badan qaatay.

Shalay ayaa qorshuhu ahaa in shirka la soo geba-gabeeyo, hayeeshee uu dib u dhacay sababo la xiriira qodobka arrinta doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi oo ay isku heystan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi & Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar).

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta & Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kulamo gooni gooni ah waxaa ay la qaateen Guddoomiyaha Aqalka sare si xal looga gaaro khilaafka siyaasiyinta Gobolada Waqooyi oo isku heysta Guddiyada doorashooyinka ee la Magacaabi doono, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in is-afgarad aan badneyn laga gaaray.

Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa la filayaa in la sii amba qaado Shirka wadatashiga doorashooyinka ee Afisiyooni, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble & Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ay shirka kusoo bandhigi doonaan wixii ay kala soo kulmeen Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Tallaalka Moderna Oo La Sheegay Inuu Wax Ka Tarayo Noocyada Cusub Ee Coronavirus

Bnnstaff Bnnstaff

Azerbijaan Oo War Ka Soo Saartay Heshiiska Ay Wada Galeen Arminiya Shaaciyayna Jadwalka Loogu Soo Wareejinayo Gobolka

Bnnstaff Bnnstaff

Waxa Cad In Labo Garab U Kala Fadhiyo Golahii Wakiiladu” Xildhibaan Cabdikariin

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More