Dowlada Kenya Oo Soo Bandhigtay Baadhitaanka Lagu Sameeyay Sidii Loo Dilay Ganacsade Bashiir

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysaa baaritaanno lagu sameeyay meydka ganacsade Bashir Maxamed Gaboobe oo dhawaan meydkiisa laga helay goob duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee dalka Kenya.

Warbaahinta Kenya ayaa siyaasabo kala duwan uga hadashay dhacdadan, taas oo weli aanan gunteeda loo dhicin, lana helin raad rasmi ah oo muujinaya ciddii ka dambeysay dilka ganacsadaha.

Baaritaano la sameeyay ayaa muujinaya in ganacsadaha la jirdilay ka hor inta aanan la ceejin. Ma jiraan wax rasaas ah oo jirkiisa ka muuqata, waxaase jira garaafooyin u eg in dhulka lagu jiiday.

Waxaana baaritaanka meydka marxuumka ku sameeyay madaxa dowladda Kenya u qaabilsan baaritaanada meydadka.

Waxay muujinayaan in la jirdilay isla markaana meydkiisa lagu tuuray webiga Nyamidi ee mara maamulka Kirinyaga.

Qareenka u doodayo marxuumka ayaa sheegay in baaritaanada lagu ogaaday in jirkiisa uu u muuqday mid la gubay, dhaawacna uu kaga yaallay isha isla markaana ay u muuqato in bir lagu garaacay.

Qareenka ayaa sidoo kale sheegay in dhaawaca gubasho ah uu ka muuqday meydka ay ugu wacan tahay in toos loo gubay ama koronto lagu dhajiyay.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Ee Somaliya Xukun Ku Riday Shabakad Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Ay Haweenay Ku Jirto

Bnnstaff Bnnstaff

Axmed Madoobe Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Xaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More