Qaramada Midoobay Iyo Midowga Africa Oo War Ka Soo Saaray Xadhiga Madaxwaynaha Iyo Raysal Wasaaraha Mali

Ciiddanka dalka Maali waxay Xabsiga u taxaabeen Madaxweynaha KMG ee Mali, Bah Ndaw iyo Ra’isul-wasaarihiisa Mukhtaar Coon, kuwaasi oo la xiray saacado kadib, markii Isku-shandheyn lagu sameeyey Golaha Xukuumadda ee dalkaasi.

Isku-shaandheyntaasi waxaa xilalkooda ku waayey 2 Wasiir oo ka mid ahaa Saraakiishii Milliteriga ee ka dambeysay Afgembigii dalkaasi ka dhacay bishii August ee sanadkii hore.

Labada Wasiir ee Xilalkooda ku waayey Isku-shaandheyntaasi ayaa kala ah Wasiirkii Difaaca, Kolonel Saadiyo Kamara iyo Wasiirka Ammaanka, Kolonel Modibo Kona.

Wax sabab ah lagama bixinin sababaha ay Labada Wasiir ku waayeen Xilalkooda.

Hadal-qoraal oo ay si wadajir ah u soo saareen QM iyo Midowga Afrika waxay ku baaqeen in sida ugu dhaqsaha badan oo aan shuruud lahayn lagu sii daayo Madaxweynaha, RW iyo Wasiirka Difaaca ee dalka Mali.

Dalalka Maraykanka, Britain, Faransiiska, Jarmalka iyo Urur-gobaleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS waxay iyagana saxiixeen Hadal-qoraal oo ku aadan Sii-daynta Madaxda dalka Mali ee ay Milliteriga xireen.

Ilo-wareedyo Diplomaasi iyo kuwoDowladeed ayaa sheegay in Madaxweynaha KMG dalka Mali, Bah Ndaw, Ra’isul-wasaarihiisa Mukhtaar Coon iyo Wasiirkiisa Difaaca, Suleymaan Dukore lagu hayo Saldhiga Milliteriga ee Kati oo ku yaalla duleedka caasimadda dalkaasi ee Bamako.

Bishii August ee sanadkii hore, Afgembi Milliteri oo ka dhacay dalka Mali waxay Milliteriga xilka ka tuureen Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Ibrahim Bubakar Keita, kaasi oo lagu khasbay inuu is-casilo.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

 

Related posts

Kaftankan Siyaasada Iyo Qodobo Xasaasiya Oo Lagu Falanqeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Magaalada Balad Weyne Oo Lagu Xidhay Odayaal Kulan La Yeeshay Al Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Tigreega Oo Dib U Celiyay Taliye Cusub Oo Uu Soo Magacaabay Raysal Wasaare Abiy Ahmed

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More