Dawladda Soomaliya oo War Kasoo Saartay Geerida Allaha u Naxariiste Abwaan Sooran

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geeriday Majaajiliiste Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo ka mid ahaa jilayaasha caanka ah, kaas oo ku geeriyooday magaalada Burco.

Eebbe ha u naxariisto Hal abuurkii, fannaankii iyo jilaagii weynaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle oo ku geeriyooday Burco, Sooraan waxa uu ka mid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan..
Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.
Dhinac kale Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Obokor Dubbe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka.
“Ilaahay ha u naxariisto waxa goor dhoweyd Magaalada Burco ku geeryooday fannaankii, hal abuurkii iyo jilaagii hal-doorka ahaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle. Waxan ka tacsidaynaa ehelkiisii, qaraabadii iyo bahda fanka Soomaaliyeed oo uu muddo dheer ka tirsanaa. Ilaahay ha u naxariisto Sooraan” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Related posts

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Magacaabay Golihiisa Cusub Ee Wasiirada

Bnnstaff Bnnstaff

Cadho Xoogan Oo Ka Dhalatay Gabadh 14 Jir Ah Oo Ku Dhimatay Goobtii Ay Ku Foolatay

Bnnstaff Bnnstaff

Murashaxa Golaha Wakiilada Somaliland Ee Gobolka Awdal Bashiir Xuseen Oo Taageero Xoogan Ku Soo Bandhigay Borama

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More