Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Dowladda Sweden

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden Per Olsson Fridh oo booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho .

Kulankaan waxaaay goob-joog ka ahaa u qaabilsanaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden ee dhinaca Africa, Safiir Ku xigeenka Sweden, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal iyo La-taliyeyaal.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu horeyn waxa uu ugu Mahadceliyay Dowlada Sweden Taageerida ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isigoo dhinaca kale ugu warbixiyay Horumarada ka socda Caasimada Soomaaliya, arrimaha narakacayaasha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca horumarinta iyo adeegyada Bulshada.

Wasiirka ayaa bogaadiyay Horumarada muuqda ee ka socda Caasimada, isigoona ku amaanay Maamulka Gobolka Banaadir Howlaha dib-u-dhis iyo midka adeegyada Bulsho ee ka socda Gobolka Banaadir. waxaana uu Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden Per Olsson Fridh ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqeyn doonaan Maamulka Gobolka Banaadir isla markaana ay ka taageeri doonaan xagga horumarinta, dib-u-dhiska iyo adeegyada Bulshada.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa waxa uu Wasiirka Guddoonsiiyay haddiyado isugu jira shahaado sharaf iyo dharka hiddaha & dhaqanka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ururka Falastiiniyiinta Ee Xamaas Oo Sheegay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Basaaskii Isreal Ee Ugu Halista Badnaa

Bnnstaff Bnnstaff

TOOS:- Bandhiga Buugaagta Ee Hargeysa Oo Maanta Laga Daahfuray Hergeysa

Bnnstaff Bnnstaff

AFRICOM Oo Sheegtay Inuu Hoos U Dhacay Khasaaraha Shacabka Kasoo Gaari Jiray Duqeymaha Ay Ka Fuliyaan Somalia

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More