Taliska Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Ka War Bixiyay Khasaaraha Hawlgal Laga Fuliyay Shabeelaha Dhexe

aliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-shabaab oo laga fuliyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa u sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Gal-labashiir lagu dilay 15 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in xubnaha la dilay ay ku jiraan Saraakiil, sidoo kalena howlgalka lagu dhaawacay in ka badan 20 xubnood oo kamid ah Shabaabka, waa sida hadalka u dhigay Taliyaha Ciidamada.
Sidoo kale Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa tilmaamay in howlgalka ujeedkiisa uu ahaa mid lagu doonayay in Shabaab looga saaro deegaano ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana ay kala wareegeen deegaano dhowr ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odawaa ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay in howlgalka qorsheysan ee Shabeellaha Dhexe uu sii socon doono, ayna dib ka soo sheegi doonaan khasaaraha ka dhasha.

Dhinaca kale Al-shabaab warar ay k qoreen barahooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Ciidanka dowladda, ayna ka dileen 4 Askari, sidoo kalena ay dhaawaceen 8 Askari kale oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Doorashooyinka Somaliland Ee Loo Mudeeyay Bisha Shanaad

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Ka Hadashay Qoyskii Madfaca Ku Dhintay Ee Balad-Xaawo

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Muuse Biix Oo Xukun Xabsi Ah Ku Riday General Doolaal Iyo Dambi La Sheegay In Lagu Helay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More