Diyaarada Dagaal Oo Ku Burburtay Gudaha Dalka Liibiya Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Warbaahinta dalka Libiya ayaa waxaa sheegeen in Diyaarad Dagaal oo nooceedu ahaa Mig-21 ay maalintii shalay oo sabti aheyd ku burburtay Magaaladda Benqaasi ee Bariga dalkaasi.

Duuliyihii Diyaaradda oo lagu magacaabi jirey Jamaal Bin Caamir ayaa ku geeriyooday shilkaasi oo ka dhacay Saldhiga Ciiddanka Cirka ee Baniiyna ee ku yaalla Magaaladda Benqaasi.
Diyaaradda ayaa qeyb ka ahayd Dhoolatus Milliteri oo ay Kooxda Mrashal Khaliifa Xaftar ugu dabaal-degayeen 7 guuradii la soo wareegtay Hawlgalkooda Milliteri ee ay ugu magac dareen Hawlgalkii Karaamada lahaa.

Marshal Xaftar ayaa goobjoog ka ahaa Dhoolatuskaasi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowladda UK Oo Soomaaliya Ugu Deeqday Lacag Loogu Talagalay Dadka Ay Abaarahu Saameeyeen.

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin Xiiso Leh Oo Laga Diyaariyay Isticmaalka Tiktok Ee Dhalinyarada Somaliyeed

Bnnstaff Bnnstaff

Turkiga Iyo Pakistan Oo Kulan Xasaasiya Ka Yeeshay Hurumarinta Hubka Nukliyeerka Iyo Gantaalada Casriga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More