Raysal Wasaare Rooble Oo Guddi Xaqiijin Ah U Magacaabay Guddiyada Doorashada Ee Cabashada Ka Jirto

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddi u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee Cabashada laga soo gudbiyay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in Guddi heer Wasiiro ah uu Rooble u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha ku jira Guddiga doorashada ee horey cabshada looga soo gubiyay.
Magacaabista Guddigaan ayaa waxaa ay ku cadahay qodobka 1-aad ee heshiiskii dhawaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay ka gaareen khilaafkii ka taagnaa doorashada dalka ka dhaceysa.

Guddigii doorashooyinka iyo kuwo xalinta khilaafaadka ee horey u magacaawday Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa cabasho farabadan ka keenay Midowga Musharaxiinta, waxaana la sheegay inay ku jiraan Saraakiil Ciidan iyo shaqaale dowladeed.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Ciidamada Liyuu Boolis qorshe Sanad La Diyaarinayay Ayay 3 Casho Ku Bur-buriyeen” Madaxweynaha Mustafe Cagjar

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Magacaabay Sadex Wasiiru Dowle Oo Somali Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya Oo Ka Hadlay Anxinintiisa Baarlamaanka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More