Madaxwayne Farmaajo Oo Iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Heshiis Hordhac Ah Wada Gaadhay

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maaxmed Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolkani Banaadir ayaa is faham ka gaaray dhismaha Saddex Guddi oo muhiim u ah doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan sanadka soo aaddan.

Guddiyada oo isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa warar hoose waxaa ay sheegayan in la isku fahmay, Waxaana Guddiyaasi ay muhiim u yihiin Doorashada dalka ka dhici doonta.
Madaxdu waxaa ay isku fahmeen sida la sheegayo waqtiga ay doorashadu si toos ah u billaban doonta, waxaana la filayaa dhamaadka bishan October illaa horaanta November inay dhici doonaan.

Dhismaha guddiyadaan ayaa waxaa ay qayb ka ahayeen shirkii Muqdisho ka dhacay ee dhexmaray Madaxda dowladda iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xisbi Ka Mid Ah Xisbiyada Itoobiya Oo Ku Baaqay In Sad Ka Dib La Qabti Doorasho Loo Dhanyahay

Bnnstaff Bnnstaff

Ex Madaxwayne Waare Oo Sheegay In Guddiga Uu Magacaabay Farmaajo Carqalad Ku Yahay Cadaaladda

Bnnstaff Bnnstaff

Dar Ilaahay Ku Caawi 14 Jir La Ildaran Xanuun Aan Dalka Gudihiisa Waxba Lagaga Qaban Karin

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More