RW Rooble Oo Magaacaabay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xoriyadda Soomaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Todobaadka Xorriyadda ayaa faray diyaarinta munaasabado muujinaya qiimaha shacabka Soomaaliyeed ay u hayaanmaalmaha xurriyadda iyo midnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay la joogo xiliigii dadka Soomaaliyeed ay soo nooleyn lahaayeen miro-dhalkii gobanimada, dowladnimada iyo midnimada, soona celin lahaayeen maqaaamkii iyo magacigii ay ku lahaayeen gobolka iyo qaaradda.

Xubnaha Guddiga eek u magacaaban wareegtada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe, halka uu Guddoomiuye Kuxigeenka uu ka yahay Wasiirka Amniga XFS Mudane Xasan Xundubeey Jimcaale.

Xubnaha kale ee Guddiga ayaa kala ah;

1- Mudane Durraan Axmd Faarax Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada

2- Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Gaashaandhigga

3- Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda

4- Marwo Khadiija Maxamed Diiriye Wasiir Gargaarka & M. Masiibooyinka

5- Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Wasiirka Shaqada & Arr. Bulshada

6- Marwo Shugri Maxamuud Afrax Wasiiru Dowlaha Tamarta iyo Biyaha

7- Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aha Duqa Muqdisho

8- Mudane Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirrada Xoghayaha Fulinta

Related posts

Wasaarada Caafimaadka Somaliya Oo Faahfaahisay Kiisaskii Ugu Dambeeyay Ee COVID-19

Bnnstaff Bnnstaff

Xadgudubyada Arxan Darada Ah Ee Ay Yuhuudu Ka Wada Agagaarta Masjika Al Qasa Oo Sii Xoogaystay

Bnnstaff Bnnstaff

Warakii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Madaxda Maamulada Somaliya Iyo Dowlada Somaliya Uga Socda Dhuusamareeb

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More