Raisal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson Oo Si Qarsoodi Ah U Guursaday

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa guursaday gabar u dooneyd oo la yiraahdo Carrie Symonds kadib xaflad aroos ah oo si qarsoodi ah loo qorsheeyay oo ka dhacday kaniisad ku taalla Westminster.

Xafladda aroos ah oo ay dad yar kasoo qeybgaleen ayaa shaley duhurkii lagu qabtay halkaas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wuxuu noqonayaa Ra’iisul Wasaarahii ugu horreeyay ee aroos gala isaga oo xilka haya ku dhawaad 200 oo sano.

Wargeyska The Mail ayaa ku warramay in 30 qof lagu martiqaaday arooska Ra’iisul wasaaraha-waana tirada dadka loo ogolyahay inay ka qeybgalaan aroosyada sababa la xiriira ka hortagga safmarka Karoona awgii.

Dadweynihii kasoo qeybgalay xafladda arooska ayaa laga codsaday inay isaga baxaan kaniisadda Westminster abbaare 13:30 wakhtiga dalkaas, sida uu ku warramay wargeyska The Sun.

Waxaana la shaaciyay mid kamid ah sawirrada arooska Ra’iisul wasaaraha-kaas oo muujinaya lamanayaasha oo ku sugan beer ku taalla xafiiska 10 Downing Street saacado uun kadib xafladda.

Waxaa xaley la arkayay fanaaniin kasii rawaxaya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha UK.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha wax faahfaahin ah kama uusan bixin cidda lagu martiqaaday arooska Johnson ama in qaar kamid ah golaha wasiirada ay kamid ahaayeen dadkii joogay arooska.

Siyaasiyiin dhowr ayaa tahniyad u diray lamaanahan waxaana kamid ah xoghayaha arrimaha gudaha Priti Patel, xoghayaha tallaalka Nadhim Zahawi iyo xoghayaha shaqada iyo arrimaha adeegyada la siiyo dadka howlgabka ah Therese Coffey.

James Cleverly oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga muxaafidka ayaa Twitter-ka soo dhigay lamanayaasha oo ku damaashadayo dhul doog ah xilli ay cadcadeeddu taagneyd, waxaana gashaada dambe ee sawirka ka muuqdaa miiska la saaray waxyaabo mac macaan ah iyo waxyaabo qurxoon oo goobta ka soo laalado.

Related posts

Raysal Wasaare Rooble Oo Ku Baaqay Shir Deg Deg Ah Si Xal Loogu Helo Xaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Israsaasayn Ka Dhacaday Magaalada Muqdisho Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More