Dowlada Kenya Oo Ku Hanjabtay Inay Joojinayso Duulimaadyada Bani’aadannimo Ee Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa uga digtay hay’adaha QM, Ururada Caalamiga ah iyo Howlgallada Diblomaasiyadeed inay joojin doonto dhammaan duulimaadyada Soomaaliya.

Kenya ayaa duulimaadyada Soomaaliya hakisay muddo saddex bilood ah 11-kii May, hase yeeshee waxay ka reebtay duulimaadyada caafimaad iyo kuwa gargaarka bani’aadannimada.
Si kastaba, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya oo qoraal cusub soo saartay ayaa ku eedeeysay hay’adaha QM, Ururada Caalamiga ah iyo Howlgallada Diblomaasiyadeed inay si qaldan u adeegsadeen fasaxii la siiyey, oo ay arrimo siyaasadeed u adeegsadeen duulimaadyada, kuna xadgubeen ogeysiiska lagu joojiyey duulimaadyada.

Wasaaradda ayaa uga digtay hay’adahan in duulimaadyada bani’aadannimo ay tahay in loo adeegsado arrimo bani’aadannimo oo kaliya, haddii kale ay gebi ahaan joojin doonto duulimaadyada Soomaaliya

Sarkaal Soomaali ah oo magaciisa qariyey waxa uu arrintan ku tilmaamay tallaabo ay Kenya ku cadaadinayso diblomaasiyiinta, inkasta oo uusan bixin faah-faahin.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ciidamada Jabhad aTigrayga Oo Walaac Ka Muujiyay Weeraro Xoogan Oo Kaga Imanaya Dowlada Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Carruur Soomaali Ah Oo Lagu La’ Yahay Magaalada Qaahira Caasimada Dalka Masar

Bnnstaff Bnnstaff

Dab Xoogan Oo Ka Kacay Mid Ka Mid Ah Jaamacada Ugu Waawayn Ee Africa Ee Dalka Uganda

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More