Guddiga Qaban Qaabada Xuska Maalmaha Xoriyadda Somaliya Oo War Soo Saaray

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda dalka Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay guddiga uu horyaallo howlo balaaran oo ay ugu horeyso diyaarinta iyo weyneynta xuska 61 guurada ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ee 26-ka Juun. Midowga Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luulyo.

“Waxaan rabnaa inaan si weyn u weyneyno waa 61 guuradii ka soo wareegtay markii la saaray calan Soomaaliyeed oo ugu horeysay 26-ka Juun iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur iyo xornimadii Gobollada Koonfureed marka la isku wada darro, munaasabadaas oo dhan 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo waxay noqon doonaan, maalmihii xoriyadda, maalmihii Qaranka oo runtii inoo ah maalmo sumad gaar ah inoo leh, Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto’. Ayuu yiri Wasiir Dubbe

Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada todobaadka xoriyadda ayaa xusay in wada hadallada dowladda Federaalka iyo Somaliland ay meel fiican soo gaareen, isla markaana ay jireen in Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ay kulmeen muddo labo jeer ah, iyagoo isla meel dhigay arrimo badan, shacabkuna ay kalsooni badan ku qabaan in wada hadalada lagu guuleysto.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Matalaada Gobalka Banaadir Ayaa Ka Maqan Waana Khasab In Labada Gole Ay Meel Mariyaan”Gudoomiye Cabdi Xaashi

Bnnstaff Bnnstaff

Heeshiis Saddexaad Oo Xabad Joojin Ah Iyo Dagaalka Nagorno-Karabakh Oo Cirka Isku Shareeray

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Hir-Shabeelle Oo In Hub Lala Galo Ka Mamnuucday Garoomada Diyaaradaha Ee Jowhar Iyo Beledweyne

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More