Baaarlamaanka Jubaland Oo Ansixiyay Golaha Wasiirada Maamulkaasi Oo Dhawaan La Magacaabay

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta Kulan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland, kaas oo uu shir guddoomiyay gudoominayay Baarlamaanka Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, waxaana lagu ansixiyay Golaha wasiirada Cusub ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxaemd Islaam.

Kulanka ayaaa soo xaadiray 51 mudane oo Baarlamaanka Jubbaland ka tirsan, waxaana ansixiyay Xukuumadda Cusub 50 xildhibaan wax diiday majirin waxaana Ka aamusay 1 xilibaan oo kaliya sidaasna waxaa ugu dhawaaqay in xukuumadda Cusub ansax tahay Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Jubbaland Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Gudoomiyaha gudigga hab-dhowrka Baarlamaanka Jubbaland Xildhibaan Shukri Wayrax Kaariye ayaa sheegay in ajandaha Kulanka kaliya uu ahaa ansixinta Xukuumadda Cusub sidaasna lagu ansixiyay, isaga oo u mahad celiyay Xildhibaannada.

20-kii Bishii May ayuu Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Golihiisa wasiirada oo ka kooban, Wasiiro wasiir ku-xigeeno & wasiiru dowlayaal kuwaas oo haatan si rasmi ah u shaqo bilaabi doona kadib markii la dhaariyo maalmaha soo socda.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Tahriibiyaal 70 Kor u Dhaafaya Oo Ku Geeryooday Badda U Dhaxaysa Dalalka Liibiya Iyo Talyaaniga

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Cabdi Xayi Oo Si Wayn Uga Hadlay Xaalada Somaliya Iyo Kiiska Bada Somaliya Iyo Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

Qarax Lala Beegsaday Goob Lagu Xusayay Dagaalkii Kawbaad Dinida Oo Ka Dhacay Sucuudiga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More