Golaha Wasiirada Maamulka Jubaland Oo Maanta La Dhaariyay

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo kaga qeybgalay Munaasabada dhaarinta Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan uu Madaxweynahu magacaabay.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin kale oo weyn oo talaabo loo qaaday dib u habaynta Hay’adaha Dowlada iyo Dowlad wanaaga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumadahii hore iyo qaab dhismeedka Dowliga ah lagu jaangooyay hanaan dib u heshiisineed kaas oo la doonayo in hada wixii ka danbeeya looga guuro hanaanka dib u qaabaynta Hay’ado xoog badan oo shacabka u adeega.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in burburka dalka ka jira saamayntiisa ay ka jirto meelo badan oo Jubaland ay kamid tahay isla markana qabyaaladu ay wax walba ka horayso lagagana kalsooni badan yahay danta guud.

Gaba gabadii Madaxweynahu wuxuu sheegay in Xukuumada Cusub uu horyaalo waajibaad culus oo looga baahan yahay Wasaarada walba inay shaqada u taala oo kaliyah ay xooga saarto.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Deni Oo Telfoonka Kula Hadlay Taageerayaasha Ururkiisa Kaah, Codna Waydiistay

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Safarkiisii Ugu Horeeyay Kaga Baxaya Somaliya Iyo Halka Uu Ku Sii Jeedo

Bnnstaff Bnnstaff

DEG DEG:- Madaxwayne Farmaajo Oo Xilkii Ka qaaday Fahad Yasiin Xil Kalena U Magacaabay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More