Ilhaan Cumar Oo Ka Hortimid Qorsho Uu Mareykanku Ku Soo Musaafurinayo Soomaali Farabadan

Ilhaan Cumar oo kamid ah Xildhibaannada Kongareska Mareykanka ayaa si cad uga soo horjeesatay Qorsho ay wadaan laanta Socdaalka iyo Kastamka Maraykanka ,kaas oo sababai kara in boqolaal Soomaali ah laga soo musaafuriyo gudaha dalkaas.

Dadka la soo celinayo ayaa badankood waxaa ay yihiin Soomaali si sharcidaro ku jooga Maraykanka , kuwaas oo ay macquul tahay in dib loogu soo celiyo dalkooda Soomaaliya.
Xildhibaanad Ilhan ayaa ku dhaleeceysay laanta socdaalka iyo kastamka Mareykanka qorshahaas oo ay sabab uga dhigtay arrimo la xiriira Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus.

Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Twitter-ka ayaa waxaa ay ku sheegtay in qorshaha musaafinta kaliya aysan dhibaato ku aheyn shakhsiyaadkan, balse ay qatar ku yeelan karto Soomaalida , isla markaana ay keeni kart nolol ama geeri.

Mareykanka ayaa waxaa ku sugan Soomaali farabadan oo isugu jira kuwo Sharci heysta iyo kuwo si sharci darro ah ku jooga,waxaana tan iyo markii la doortay Madaxweyne Donald Trump Mareykanka lagas oo celiyay Soomaali farabadan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Meydka Gabadh Yar Oo Si Arxan Darro Ah Loo Dilay Oo Laga Helay Magaalada Boosaaso

Bnnstaff Bnnstaff

Ganacsatada Qaadka Ee Kenya Oo Dowladooda Ku Cadaadinaya Sidii Ay Kenya Ula Heshiin Lahayd

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Mustafe Cagjar Oo Sheegay In Somali Badan Lagu Dhibaateeyay Calanka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More