Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay weli howlgallo kala duwan ka wadaa degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo dagaal culus ay kula galeen Xubno ka tirsa n dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Degaannada ay dagaalada xoogan ka dhaceen ayaa waxaa kamid ah degaannada, Aqab-duco, Wararx leey ,Califooldheere, quracmadoobe, Jilible, qoordheere, Deylabolo, Wardhagax iyo War-ciise oo ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe
Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Col:Cali Xaashi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay ka dileen in ka badan 100 Xubnood tiro kalena ay ka dhaawaceen.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada dowladda ay weli halkaasi ay howlgallada ka wadaan, iyada oo ay xusid mudan tahay in dadkii deganaa degaannada lagu dagaalamay ay isaga barakaceen.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaano hoostaga Magaalada Jowhar iyo degmada Raaga-Ceelle ka socday dagaalo culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, iyada oo labada dhinac ay guulo ka kala sheegteen.