Booliska Interpol Oo Ku Gacan-Sayray Codsi Uga Yimid Dowladda Turkiga Iyo Sobobta

Ururka Boliska Caalamiga ee ITERPOL ayaa la sheegay inay ka biyo diideen Codsiyo ay Dowladda Turkiga ku doonaysay in loogu soo gacan geliyo 773 Eedeysane oo ka tirsan Kooxda Mucaaradka ee FETO.

Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga, YAVUZ SELIM KIRAM oo la hadlay Guddiga Xiriirka Dibedda ee Barlamaanka Turkiga, wuxuuna xusay inay INTERPOL ku gacan-sayrtay Codsiyo looga dalbaday inay soo qabtaan 773 qof oo Turkish ah oo ku nool Dibadaha, kuwaasi oo ka tirsan Kooxda FETO ee uu hoggaamiyo Fatxullaah Gulen.
Waxaa kale oo uu qiray in Iskaashiga Turkiga iyo INTERPOL ee Arrinta Kooxda FETO uuan gaarsiisnayn Heerkii la doonayey.

Hadalkiisa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Dowladda Turkiga marti-gelin doonto Shirweynaha 89-aad ee Golaha Guud ee Ururka Boliska Caalamiga ee ITERPOL bisha November 20-da ilaa 25-da oo lagu qaban doono magaalladda Istanbul.

Kooxda Mucaaradka ee FET0 waxaa lagu eedeeyaa inay ku lug lahaayeen Afgembigii Fashilmay ee Madaxweyne Erdogan xilka looga tuuri lahaa bishii July 15-dii ee sanadkii 2016-kii.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

”Dhaliisha Waxa Ka Muhiimsan In Lays Kaashado ” siyaasi maxamuud xaashi Oo Ka Hadlay Xalada Abaarta

Bnnstaff Bnnstaff

MadaxweyneXasan Sheekh Oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur U Magacaabau Xil Cusub

Bnnstaff Bnnstaff

“Reer Hargeysow Horumarka Aad Doonaysaan Shuruudi Badan Baa Horyaala” Maayirka Cusub Ee Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More