Dowladaha Sudan Iyo Kenya Oo Ka Wada Hadlay Arimo Muhiim Ah

Ra’iisul-wasaaraha dalka Sudan, Cabdalla Xamduuk waxaa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirada Arrimaha Dibedda Kenya, Raychelle Omamo.

Labada Mas’uul waxay Kulankooda kaga wada hadleen Xiriirka dalalkooda iyo qabanqaabada Shirka Guddiga WadaJirka ee dowladaha Sudan iyo Kenya ee dhici doona bisha soo socota ee July.
Wakaalladda Wararka Sudan ee SUNA waxay sheegtay in RW Cabdalla Xamduuk iyo Wasiirada Arrimaha Dibedda Kenya, Raychelle Omamo ka wada sheekeysteen sidii ay Sudan uga faa’ideysan lahaa Khibradaha Kenya ee Dib-u-habaynta Dastuurka iyo Qabsoomida Doorashooyinka.

Kulankaasi waxaa gooboog ka ahaa Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Sudan, Maryama Saadaq Al-Mahdi, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sudan, Ambassador Xasan C/salaam iyo DanJiraha Kenya u Jooga Khartoum.

Wafdiga ay hoggaminaysay Wasiirada Arrimaha Dibedda Kenya, Raychelle Omamo oo shalay booqasho ku tegay Sudan waxaa la sheegay inay galabta dib ugu laabteen Nairobi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dhaqaalihii Dalka Faransiiska Oo Dhulka Galay Ka Dib Markii Ay Dalalka Islaamku Qaadaceen Alaabaha Faransiiska

Bnnstaff Bnnstaff

Kuuriyada Waqooyi Oo Maanta Tijaabisay Gantaal Cusub Oo Laga Riday Gujis

Bnnstaff Bnnstaff

Waa Kaaf Iyo Kala Dheeri Halka Maanta Dalkeenu Marayo Iyo Halkii Uu Ka Soo Bilaabmay” Xildhibaan Qodax

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More