Borama News Network

Hay’adaha Ammaanka Puntland oo Boosaaso ka baadi-goobaya Rag hubaysan oo Dilay Nin Ganacsade ah

Hay’adaha Ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa howlgallo baaritaanno ah kawada Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaana ay ku raad-joogaan Rag hubaysan oo dilay mid kamid ah Ganacsatada Magaaladaas.

War kooban oo ay soosaareen Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayay ku sheegeen in ay dabagal ku hayaan Koox aysan sheegin tiradooda, halka ay aadday ama ka timid balse dil ka gaysatay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Ciidamada ammaanka ayaa xaqiijiyay in kooxdaas ay baxsatay kaddib markii ay dileen Ninkaan katirsan Ganacsatada yaryar ee Magaalada Boosaaso oo toogashadiisa kaddib ciidamadu goobtu tageen iyaga oo billaabay baaritaannada dadka lagu tuhmayo.

Dilalka ka dhanka ah Ganacsatada ayaa muddooyinkii dambe ka dhacayay Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari, Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ku goodiyay in ciqaab adag ay marin doonnaan marka ay soo qabtaan dadkaas Dilalka gaysanaya.

Related posts

“Waa in Qolada Laascanood Iyo Somaliland Lagu Dirqiyo In Aan Bulshadu Dagaal Diyaar u Ahayn” Aqoonyahan

Abdiaziz Bnnstaff

MOOSHIN: Baarlamaanka Soonaaliya Oo Imaaraadka iyo ItoobiyaKa Keenay Mooshin Ka Dhab Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Siyaasi Cali Qoryoolay Oo Boqor Buurmadaw Ugu Baaqay In Uu Dalka Yimaado Kana Hadlay Arimaha Doorashooyinka Baaqna U Diray Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff