Madaxwayne Erdogan Oo Ka Hadlay Arin Masiibo Ah Oo Ka Dhacday Bada Dalka Turkiga

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ballan qaaday in dalkiisa uu ka badbaadin doono walxaha halista ah sii kordhayo ee dul sabeynayo badda dalkaas.

Walxo dareer ah oo is-jiid jiidinayo ayaa dul sabeynaya badda Marmara gaar ahaan meel u dhaw caasimadda Istanbul kaas oo dhibaato u geysanayo noloha iyo kalluumeysiga Turkiga.

Khuburrada waxay sheegeen in walxahan ay ka dhasheen washakeynta badda iyo isbaddallada cimilada.

“Waxaan ku rajo wenahay in baddeena aan ka badbaadin doono walxahan masiibada ah” ayuu yiri Erdogan.
Waa walxo dabiici ah oo cagaar ah oo si dabiici ah uga dhex dhasha badda, waxaana la sheegay inay ugu wacan tahay hawada kulul iyo wasakheynta biyaha badda.

Waxaa markii ugu horreysay lagu arkay Turkiga sanadkii 2007, waxaana sidoo kale walxahan lagu arkay badda Aegean ee u dhaw dhinaca Giriigga.

Walxahana ugu dambeeyay ee lagu arkay badda Marmara ee isku xirta badaha Black iyo Aegean ayaa la rumeysan yahay dhibaatadii ugu weyneyd ee taariikhda ee saameysay badda taas oo saameyn ku reebtay dadka deegaanka.

Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in dhibaatadan ay ugu wacan tahay in wasakhda bulaacadaha lagu soo sii daayo badda iyo heer kulka.

Wuxuu ugu baaqay mas’uuliyiinta inay baaraan waxa sababay masiibadan.

“Waxaan ka cabsi qabaa in walxahan ay ku baahaan Badda Madow…dhibaatada waa ay sii ballaaran kartaa, waxaan u baahanahay in aan qaadno tallaabo deg deg ah” ayuu yiri Erdogan.

Turkiga wuxuu koox ka kooban 300 u diray halka loo maleyn karo inay tahay isha ay kasoo burqaneyso wasakhda.
Waxay arrintani saameysay kalluumeysatada ka howlgala badda Marmara.

Kooxaha quusa badda ayaa ku warramay in tiro badan kalluunka iyo nolaha badda ay dhimanayaan kadib saameynta ka dhalatay walxahan la wareegay badda Turkiga.

Profasoor Bayram Ozturk oo ka tirsan macad cilmi baaris ku sameeya badda oo fadhigiisu yahay Turkiga ayaa sheegay in dhibaatadan aanan waxbo laga qaban karin tan iyo inta laga daweynayo biyaha wasakhda ah ee kasoo baxayo Istaanbul.

“Xilli ay soo kordhayaan walxahan, waxay halis soo wajahday nolaha badda, dhabtii waa masiibo”

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Malleyshiyaad Diidan In Kursiga Hope30 Loo Xiro Xil. Jeesow Oo Baladweyne Gadood Ka Samameeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Ayaa Ka Dambeeyay Burburkii Ciidankii Xooganaa Ee Somaliya Sodan Sano Ka Hor Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Masar Iyo Turkigu Waayadan Miyey Isku Soo Dhawaanayaan?

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More