Dowlada Kenya Oo Diiday In Dalkeeda Lagu Fuliyo Duqayn Ka Dhan Ah Alshabaab Xili Ay Kenya Lafteedi Somaliya Ka Fuliso

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa warbaahinta France24 u sheegay inuusan oggolaan doonin in milatariga Mareykanka ay duqeymo cirka ah ka geystaan gudaha Kenya, isagoo beeniyay wararka sheegaya in aqalka Pentagon-ka uu oggolaasho weydiistay Kenya.

Wargeyska New York Times ayaa bishii la soo dhaafay shaaciyay in milatariga Mareykanka “ay oggolaasho u raadsanayaan inay duqeymo cirka ah ka egystaan qeybo ka tirsan bariga Kenya, iyagoo ku beegsanaya kooxda Alshabaab “.

“Howlo argagixiso way jiraan balse saldhigyo argagixso kuma lihin gudaha Kenya. Sidaas darteed, ma jirto waxaas,” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta oo booqasho rasmi ah ku jooga Fransiiska.

Weerar ay bishii January Al-Shabab ku qaadeen saldhig Mareykanku ku leeyahay Kenya ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo Mareykan ah iyo labo kale.

Warkan ayaa imaanaya iyadoo maalmo kahor ay maxkamad milatari oo ku taalla Soomaaliya ay xabsi daa`in ku xukuntay sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu eedeeyay inuu door ku lahaa weerarkaas.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee ay Al-Shabab ku qaadaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Kenya.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan.

Mareykanka ayaa aalaaba weerarro cirka ah oo uu ku bartilmaameedsado Alshabaab ka fuliya Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Somaliya Oo Xukun Ku Riday Nin Hoos Ula Shaqaynayay Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia Oo Ka Hadlay Arimo Xasaasi Ah Iyo Dalabkii Mucaaridka Ee Doorashada

Bnnstaff Bnnstaff

Erdogan: Muslimiinta Ayuu Ku Khafiifay Macron Ee Bal Maskaxdiisa Hala Soo baadho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More