Madaxwayne Amaray In Isbedel Lagu Sameeyo Ceerka Ciidanka Cirka

Madaxweyne MUUN JAE-INJ ayaa amarkaasi bixiyey, kadib, markii Haweeney ka tirsan Ciiddanka Cirka oo la kufsaday ay Is-daldashay.

Qoyskeeda waxay ku eedeeyeen Taliska Ciiddanka Cirka inay ku fashilmeen Baaritaanakii Kufsiga loo geystay.

Afhayeenka Madaxweynaha Koonfurta Kuurta oo lag magacaabo PARK KAYUNG MEE waxa uu sheegay inuu Madaxweynuhu la kulmay Qoyska Dhibanaha Is-dishay, wuxuuna raalli-gelin ku bixiyey inay Dowladda ku fashilantay inay iyada badbaadiyaan.

Haweeneyda Is-daldashay oo magaceeda lag soo koobay Laba Alifle Lii waxaa la kufsaday bishii Maarso ee la soo dhaafay, waxaana maydkeeda laga helay qolkeeda dhamaadkii bishii May ee la soo dhaafay.

Askarigii kufsiga geystay oo magaciisa lagu soo koobay JUNG waxaa la sheegay in Xabsiga loo taxaabay, iyadoo Taliyihii Guud ee Ciiddanka Cirka ee dalkaasi, LII SEONG YONG uu Xilka iska casilay Jimcihii la soo dhaafay, isagoo sheegay inuu dareemay Mas’uuliyad Culus oo ku aadan Dhacdadaasi.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Sheekadii Ninkii Soo Bandhigay Sadexda Xaas Halka Gurina Wada Dejiyay Oo Waji Cusub La Soo Baxday

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixn:- Shacabka Magaalada Muqdisho Oo Dhib Wayn Ku Qaba Wadoonyinka Xiliyada Roobka

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Sudan Oo Qorsheynaya Inuu Xilka Iska Casilo Saacadaha Soo Socda

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More