Pakistan:- In Ka Badan 30 Qof Oo Ku Geeriyootay Shil Tareen Oo Saaka Dhacay

Waaberigii hore ee saakayto ayaa waxa uu Shil Tareen ka dhacay meel ku dhow Degmadda Ghotki ee dalka Pakistan.

Sida laga soo xigtay Saraakiisha Tareenada waxay sheegeen inay ugu yaraan 30 qof oo rakaab ah ku geeriyoodeen shilkaasi, halka ay 50-kalena ku dhaawacmeen.

Labo Tareen oo nooca dheereeya ayaa la sheegay inay shilka ku galeen injta u dhexeysa Bosteeooyinka Tareenada laga raaco ee Raiti iyo Obara, iyadoo ay qalibmeen 14 Rimoor oo ay Tareenada jiidayeen.

Ilo ka tirsan Boliska waxay sheegeen in laga cabsi qabo inay tirada dhimashada sii korodho, iyadoo dad badan ku hoos xaniban yihiin Tareenka qalibmay.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Imran Khan waxa uu ka tacsideeyey dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay shilkaasi, isagoo u tacsideeyey qoysaska dadkii ku geeriyooday Shilka Tareen.

Qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa waxa uu ka codsaday Wasiirka Tareenada inuu degdeg u booqdo goobta uu shilku ka dhacay iyo inuu hubiyo in Taageero Caafimaad la siiyey Dhibanayaasha dhaawacmay iyo in la caawiyo qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen shilkaasi.

RW Pakistan waxa kale oo uu amray in Baariaan dhab ahj lag sameeyo badqabka waddada Xadiidka ee ay Tareenada adeegsadaan.

Xafiiska wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Nin Lagu Eedaayay In Uu Dab Qabadsiiyay Xarunta Baarlamaanka Koonfur Africa Oo Maxkamad La Soo Taagay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Qoor Qoor ” Waa In Ay Iscafiyaan Shacabka Reer GalmudugMunaasibada Ciida Awgeed”

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Kusii Jeeda Magaalada Garoowe, Xili Uu Ku Sugan Yahay Axmed Madoobe

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More