Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Goob Ay Au Ku Sugnaayeen Ciidamo Kenyaan Ah

Xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Kenya oo ku taal degaan Waqooyiga ka xiga Magaalada Mandhera.

Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in Al-Shabaab ay soo weerareen boosteejo basaska laga raaco oo ku taal tuulada Olla ee duleedka Magalada Mandheera, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Booliska Kenya oo Basaska ilaalo ka hayay & Al-Shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka ka dhacay Tuulada Olla uu ku dhintay Imaam Masjid oo lagu Magacabi jiray Imaam Maalim Cabdullaahi hallka ay ku dhaawacmeen laba ka tirsan askarta Booliska Kenya.

Al-Shabaab ayaa dhankooda oo weerarka ka hadlay ayaa sheegtay inay dileen 3 Askari sidoo kalena ay soo furteen 5 Qori, isla markaana muddo kooban ay la wareegeen degaanka Olla oo Waqooyiga ka xiga Magaalada Mandheera.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro kala duwan ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari, waxaana dowladda Kenya ay sheegtay inay ka hortageyso weeraradaas, hayeeshee ay weli yihiin kuwo sii socda.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Peru:- Cadho Xoogan Oo Ka Dhalatay Gabadh Yar Oo 18 Jir Ah Oo Nolosha Lagugu Gubay

Bnnstaff Bnnstaff

Trump Oo Shaaciyay In Uu Sudan Ka Saarayo Liiska Argagixisada Iyo Sudan Oo Ka Falcelisay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne farmaajo Oo Gaadhay Magaalada Asmara Ee Dalka Eritrea

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More