Nin Gubay Xaaskiisii Hore Xili Ay Muuqaal Toos Ah Isaga Duubaysay Barta Tiktok-ga

Gabar caan ka ah dalka Shiinahaayaa geeriyootay kaddib markii uu ninkeedii hore gubay, xilli ay bartaasi isaga duubeysay muuqaal toos ah.

Lamu ayaa caan ka ahayd barta Douyin, oo sida TikTok oo kale ka ah Shiinaha, iyadoo barteeda ay ku xiran yihiin boqollaal kun oo qof.

Waxaa gubtay jirkeeda 90% iyadoo labo toddobaad kaddib u geeriyootay dabkaas.

Kiiskan ayaa Shiinaha ka abuuray dood ku aaddan tacaddiyada haweenka lagula kaco.

Lamu, oo 30 jir ahayd, waxaa lagu yaqaannay muuqaallo ay kaga hadli jirtay nolosha baaddiyaha, waxaana lagu ammaani jiray inaysan isticmaalin make up.

Ninkeedii hore oo magaciisa lagu soo gaabiyay Tang, ayaa u dhacay gurigeeda isagoo sitay toorrey iyo batrool.

Lamu ayaa geeriyootay 30-kii September.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Xadhiga Ka Jaray Dib U Furista Wadooyinka Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Ku Sugan Yihiin Ciidamada Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

“Gobolka Gedo Doorasho Laguma Qaban Karo Ilaa Laga Saaro Ciidamada Dowlada Fadaraalka” Axmed Madoobe

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More