Warbaahinta Dalka Shiinaha Oo Ku Digatay Madaxwayne Trump Ka Dib Markuu Shaaciyay In Coronavirus Ku Dhacay

Falcelin adag oo ku saabsan xanuunka Covid-19 ee laga helay Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa ayaa ka soo baxaysa Shiinaha, oo ah halka uu ka soo bilowday fayraska isla markaana uu madaxweynuhu aad u cambaareyn jiray.

Hu Xijin, oo ah tifaftiraha wargeyska Global Times ee ay dowladdu maamusho, ayaa sheegay in Trump iyo Marwada Koowaad Melania ay “u aayeen cirribxumada ka dhalatay sida uu Trump u dhayalsaday” xanuunka safmarka ah ee Covid-19 isla markaana ay tan “saameyn xun” ku yeelan karto ololihiisa doorashada.

“Madaxweyne Trump iyo Marwada Koowaad waxay u aayeen sida uu u dhayalsaday COVID-19. Warka wuxuu muujinayaa sida ay u daran tahay xaaladda xanuunka safmarka ah ee Mareykanka. Waxay saameyn xun ku yeelan doontaa sumcadda Trump iyo Mareykanka, waxay sidoo kale saameyn doontaa in dib loo doorto,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Twitter-ka ayaa laga mamnuucay dhulweynaha Shiinaha, balse Hu weli wuu isticmaalaa bartaas.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Shaaciyay In Ay Gacanta Ku Soo Dhigeen Amiiro Alshabaab Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Qoyska Marxuum Cali Khaliif Galaydh

Bnnstaff Bnnstaff

Jubbaland Oo Go’aan Kasoo Saartay Gobolka Gedo Digniina U Dirtay Dowladda Fadaraalka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More