Askari Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Dad Ku Laayey Gaalkacyo

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur Yare ayaa ka warbxiyey dil iyo dhaawac ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo uu geystay askari ka tirsan ciidamada ammaanka.

Guddoomiye Cabdiladiif Muuse Nuur Yare oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in marka hore askariga uu toogtay nin ganacsade ah, kadibna rasaas uu furay isaga oo booliska ka cararayana ay ku dhinteen labo qof oo shacab ah iyo dhaawaca qof kale.

Sidoo kale wuxuu magaca askarigaasi oo baxsaday ku sheegay Yaasiin Maxamed Maxamuud, kaas oo darajadiisa ciidan ay tahay kormeere saddexaad.

Cabdiladiif ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay haatan ciidamada ammaanku ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo lagu soo qabanayo askarigaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dilka koowaad ee loo geystay ganacsadaha uu salka ku hayo dilal la xiriiro aano Qabiil oo ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo oo ay ka howl-galaan ciidamo isku dhaf ah oo loogu tala-galay xasilinta amniga ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal iyo falal kale oo lidi ku ah nabad-gelyada.

Related posts

Jubbaland Oo Markale Shuruud Ku Xidhay Ka Qeyb-Galka Shirka Arimaha Doorashada Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Axmed Madoobe “Waxaan Diyaar U Ahay In Aan Sameeyo Wax Kasta Oo Tanaasul Ah”

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxtooyada Soomaaliya Oo Ka Digtay In La Keeno Shuruudo Fashilin Kara Shirka Afisiyooni

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More