Madaxwaynaha Dalka Uganda Oo Magacaabay Golihiisa Wasiirada Cusub

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa magacaabey 31 wasiir, iyo ku xigeenadooda oo gaaraya 50. Liiska ayaa waxaa ka muuqda toban wasiir oo haween ah.

Jessica Alupo, oo ah sargaal ciidanka ka hawl gabtay, ayaa haatan noqotey madaxweyne kuxigeen, waana haweeneydii labaad ee taariikhda dalkani, ee loo magacaabay jagadan.

Robinah Nabbanja, oo ah xubin sare oo kamid ah xisbiga talada haya, ayaa noqotey ra’iisal wasaare. Waxey kal hore aheyd wasiir kuxigeenka caafimaadka.

Golahan wasiirada ee cusub ayaa waxaa ka muuqda xubno badan oo ka yimid dhanka iyo ciidamada. General David Muhoozi, ayaa noqdey wasaar kuxigeenka arrimaha gudaha.

Mid kamid ah qareenada madaxweynaha, Kiryowa Kiwanuka, ayaa noqdey xeer ilaaliyaha guud ee cusub ee haatan la magacaabay.

Sam Kuteesa, oo ah wasiir arrimo dibadeedkii uggu waqti dheeraa ee dalkani, ayaa haatan kasoo muuqan liiska cusub ee golaha wasiirada.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Warbixin :- Gabadh Ku Shaqaysa Shaqo Aanay Haweenku Qaban Iyo Waxyaabaha Ku Kalifay

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Dib Ula Wareegay Isgoyska Fagax

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Eretria Oo Qiratay In Ciidankeedu Ka Qeybgaleen Dagaalka Gobolka Tigray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More