Madaxwaymaha Hirshabeele Oo Xilkii Ka Qaaday Mid Ka Mid Ah Golihiisa Wasiirada Iyo Sobobta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa xilkii ka qaaday Wasiir ku Xigeenkii Wasaarada Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Xasan Maxamed Cilmi.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Guudlaawe ayaan lagu shaacisan sababaha keenay xilka qaadista, iyada oo aysan jirin mas’uul kale oo Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu u Magacaabay xilkaas.

Xilka qaadista uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) uu ku sameeyay Wasiir ku Xigeenkii Wasaarada Amniga ayaa kusoo aaday xilli shalay Baraha Bulshada lagu faafinayay qoraalka Haweeneey sheegtay in lacah dhan 1,500$ uu ugu cunay in Visa Turki ah u soo saarayo.

Wasiir ku Xigeenkii Wasaarada Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Xasan Maxamed Cilmi. Ee xilka qaadista lagu sameeyay ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin xilka qaadistaas iyo qoraalada la wareejinayo Baraha Bulshada.

 

Related posts

Raysal Wasaare Rooble” Farmaajo Wuxuu Faragelin Ku Hayaa Howlaha Doorashooyinka Iyo Amniga”

Bnnstaff Bnnstaff

Kabul:- Arday Imtaxaan Isku Diyaarinaysay Oo Qarax Ismiidaamin Ah Lala Beegsaday Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Bnnstaff Bnnstaff

Kumuu Ahaa Ninka Uu Maydkiisa Garabka Ku Qaaday Madaxwayne Erdogan?

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More