Dowladda Masar Oo Beenisay In La Bililiqeystay Safaarad Ay Lahaayeen Ku Lahaayeen Dalka Liibiya

Danjira Ergada Diplomaasiyiinta Masaarida ee ku sugan Caasimadda dalka Libiya ee Tripoli waxa uu beeniyey Warar lagu sheegay in dhac iyo boob loo geystay Safaaradda Masar ku leedahay Tripoli.
Danjire Maxamed Taruut Saliim oo la hadlay Warbaahinta Yoom Sabca waxa uu tilmaamay in Gaadiidka sawirkooda lagu baahiyey Baraha Bulshada yihiin 5 Gaari oo Safaaradda Masar laga bililiqeystay sanadkii 2014-kii, wuxuuna mar kale beeniyey inay Gaadiidkaasi yihiin kuwo dhawaan laga soo dhacay Safaaradooda.

Dhinaca kale, Dowladaha Masar iyo Libiya waxay dib u soo celiyeen Xiriirkoodkooda, iyadoo Safaarada Masar dib loo furay bishii la soo dhaafay ee May 21-da.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Oo La Ciiday Shaacabka Hargeysa Iyo Nuxurka Qudbad Uu Jeediyay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Bnnstaff Bnnstaff

Maryakanka Oo Ciidamada Sudan Ugu Baaqay In Aanay Dadka Afgembiga Diidan Gacan Adag Kala Hor Tegin

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More