Maxkamada Maamulka Puntland Oo Xukuno Ku Riday 18 Rag Ah Iyo Waxyaabaha Lagu Soo Eedeeyay

Raggan ayaa maanta lagu xukumey Maxkamad ku taal magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana ay gaarayaan illaa sideed iyo toban rag ah.

Toddobo iyo toban kamid ah ragga waxaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka kan kalana lagu xukumay xabsi daa’in.

Waxey ku eedeysan yihiin in Gaalkacyo, iyo qeybo kala duwan ee maamulka Puntland kamid ah iney ku laayeen dad gaaraya illaa iyo saddex boqol oo ruux.

Dadkan ay laayeen ayaa isugu jirey xubno kamid ah dowladda iyo shacab rayid ah. Raggan la xukumay ayaa ka hawl galayey Puntland muddo dhan 13 sano. Xubnahan waxey ku eedeysan yihiin iney kamid yihiin ururka Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland, ayaa sheegtay raggan iney isugu jireen qeybo kala duwan oo Al Shabaab ah.

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu laayey dad aad u tiro badan. Tiradan ayaa la oran karaa waa tii uggu badneyn ee dil toogasho ah lagu xukumo taariikhda Puntland mar qura.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dhulgariir Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Dalka Indonesia Iyo Tirada Dadka Dhintay Oo La Shaaciyay

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamada Soomaliya oo Lagu Wareejiyay Hub Laga Furtay Al Shabaab

Dowlada Hindiya Oo Ka Mid Noqotay Dalalka Isbahaysiga Ilaaliya Badda Cas Iyo Suez Canal.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More