Borama News Network

Tirada dhimashada ka dhalatay dabka Jile oo korortay

Ugu yaraan 51 qof ayaa ku dhintay dab ka kacay kaymo ku yaalla gobolka Valparaíso ee dalka Chile, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

Dabka ayaa laga baqayaa in uu ku fido magaalooyin ku dhawdhaw dhulka kaymaha ah ee gubanaya, waxayna kooxaha dambka damiya ku dadaalayaan in la xakameeyo si looga baaqsado in uu gaaro magaalooyinka.

Qiiq madow ayaa hawada isku shareerray qaybo badan oo kamid ah gobolka Falbaraasiyo oo ay ku nool yihiin ku dhawaad hal milyan oo qof kaas oo ku yaala bartamaha Jili.

Goobbaha ku xeeran magaalo xeebeedka loo tamashlaha tago ee Fina Del Mar ayaa kamid ah meelaha sida ba’an u saameeyay dabku, waxana dadka wax samatabixiya ku adag in ay gaaraan goobbaha ugu daran, sida ay sheegayaan masuuliyiinta Jili.

Related posts

Turkiga oo Ciidamo u soo diraya Soomaaliya iyo Qaar ka mid ah mucaaradka dalkaasi oo ka soo horjeestay

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Ka Socda Gobolka Sanaag

Abdiaziz Bnnstaff

Kenya Oo Madaxwayne Ku Xigeen Cusub Loo Magacaabay Ka Dib Markii Xilka Laga Qaaday Madaxwayne Ku Xigeenkii Hore

Abdiaziz Bnnstaff