Xafiiska Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Fariin Adag U Diray Madaxwayne Qoor Qoor Iyo Sobobta

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa ku dhaliilay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye in uu lasoo daahay Magacaabista xubnihii guddiga doorashooyinka ee loo gudbiyay.

Waxaa uu sidoo kale uu ka dalbaday in dhammaan sida maamulada kale ay Galmudug u soo gudbiso xubnaha guddiga doorashooyinka.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ka codsanayo Madaxweyne Qoorqoor inuu so dhaqse ah u soo gudbiyo liiska Xubnaha Galmudug.

“Dowlad-goboleedyada inta badan wey u soo gidbiyeen Ra’iisul Wasaaraha liiska wax ka baddelka Guddiyada Doorashooyinka ee dib loo eegay. Waxaa weli laga war dhowrayaa Dowlad Goboleedka Galmudug oo ah Dowlad Goboleedka kaliya ee aan weli soo dirin. Maadaama waqtigu uu soconayo, shacabka Soomaaliyeedna ay doonayaan in la dardargaliyo howlaha hirgalinta doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga heer Wasiir ee uu magacaabay waxa ay ka codsanayaan Madaxweyne Ahmed Cabdi Kaariye inuu si dhaqso ah u soo gudbiyo liiska xubnaha Galmudug ee laga sugayo muddada todobaadka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin Ka Socda Haayada Caafimaadka Aduunka

Bnnstaff Bnnstaff

Dab Xoogan Oo Ka Kacay Xaafad Ka Mid Ah Xaafadaha Magaalada Berbera Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Bnnstaff Bnnstaff

Mahdi Guuleed Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Ku Soo Laabtay Muqdisho Kana Hadlay Guushii Kiiska Bada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More