Dowladaha Somaliya Iyo Kenya Oo Isku Raacay Sii Xoojinta Xidhiidhka Labada Dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka labada dal, dibna loo furo safaaradaha Muqdisho & Nairobi, kaddib wada-hadal dheer oo dhanka taleefanka ay ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee labada dal.

Wada hadalka ayaa u dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/rizaak iyo dhiggiisa dalka Kenya Raychelle Omamo, waxaana ay si qoto dheer uga wada hadleen sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii laba dal, iyo hormar mira dhal ah oo laga gaaro wada hadalada u socda labada dowladood.
Sidoo kale Labada wasiirba ayaa waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in si deg deg ah dib loogu furo safaaradooda ee kala ah Kenya iyo Soomaaliya ee Nairobi iyo Muqdisho, waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Waxaana labada Wasiir ayaa muujiyay rajo weyn oo ah in la horumariyo ganacsiga, amniga iyo xiriirka dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabay Xeerkii Ay Banaanka Soo Dhigeen Golaha Guurtidu

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamada Dalka Ruushka Oo Ka Degay Magaalada Labaad Ee Ugu Weyn Dalka Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Ururka Jaamacada Carabka Ka Dalbatay Taageerada Dagaalka Ka Dhanka Ah Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More