Midowga Yurub Oo Joojiyay Lacagtii Uu Siin Jiray Ciidamada Kenya Ee Ku Sugan Somaliya

Lacagtii uu Midowga Yurub siin jiray ciidamada Kenya ee la dagaalamaya Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ayaa laga jaray 66 boqolkiiba oo ah in ka badan $45 milyan. Arrintan ayaa dhaqangeleysa sannad maaliyadeedka cusub ee bilaaban doona bisha Luulyo, maaddaama ay soo dhowaatay taariikhda la qorsheynayo inay ka baxaan Soomaaliya kaas oo ay hogaaminayso Qaramada Midoobay, sida ay qoreyso qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) ayaa qorsheynayay in bisha Diseembar ciidamada Soomaaliya lagu wareejiyo amniga dalka. Khuburada arrimaha ammaanka ayaa arrintasi su’aal gelinaya.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

18 May Reerbaale Ee Lama Wada Heleh Aniguna Waxaan Leenahay 26ka June ” Maayirka Cusub Ee Laascaanood

Bnnstaff Bnnstaff

Askartii Ka Tirsanayd Amisom Ee Shacabka Ku Laysay Shabeeleha Hoose Oo Maanta Dil Lagu Xukumay

Bnnstaff Bnnstaff

Al-Shabaab Oo Markale Gubay Guryo Iyo Ceelal Biyoodyo Ku Yaalla Gobolka Hiiraan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More