Madaxwaynaha Dalka Nigeria Muhammasu Bukhari Oo Ku Baaqay Dagaal Ka Dhan Ah Boko Haraam

Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhammadu Bukhari ayaa ku baaqay in ciidamada dalkiisa ay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah kooxda maleeshiyaadka ee Boko Xaaraam.

Madaxweynaha oo booqasho ku tagay magaalada Mayduguri ee xarunta gobolka Borno, oo dhacda waqooyiga-bari dalka Nigeria , halkaasoo ay ku sugan yihiin kooxda Boko Haram, waana goobaha ay inta badan ka sameeyaan dhaq dhaqaaqyada.

Sidoo kale Muhammadu Bukhari ayaa shalay khudbad ka hor jeediyay cutubyo ka tirsan ciidanka Nigeria, kuwaasoo dhawaan bilaabi doona Hawlgallo ka dhan ah kooxda maleeshiyaadka ee Boko Xaraam gaar ahaan,kuwa ku sugan gobolka Borno.

Madaxweynaha aya muujiyay sida uu u daneynayo in la soo afjaro dagaalka ka dhanka ah kooxa Boko Xaraam iyadoo la soo celinayo nabadda iyo dib u dhiska dhamaan goobihii ay dhibaatadu ka dhacday,

“Dagaalkan ma joogsan doono ilaa iyo inta nabad buuxda laga helayo Gobolka Borno”,ayuu yiri,Isaga oo la hadlaayey ciidamada amniga.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Seddex Gabdhood Oo Walaalo Ah Oo Hal Goob Lagu Dilay Iyo Booliska Oo Baaritaan Wada

Bnnstaff Bnnstaff

Beelaha Hawiye Oo War Ka Soo Saaaray Maamul Loo Sameeyo Gobolka Banaadir Iyo Amaanka Gobolka

Bnnstaff Bnnstaff

Dad Shacab Ah Oo Ka Soo Barakacay Colaada Somalida Iyo Canfarta Ee Gobolka Sitti

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More