Muwaadin Somaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Africa Iyo Wararkii Ugu Dameeyay

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa la sheegay inay toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaas.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cali Kaariye ayaa Kooxaaha Burcada ah waxaa ay ku dileen meel aan ka fogeen Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla gobolka Limpopo ee dalka Koonfur AfrikaDalkaasi Koonfur Afrika.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ragga dilka u geystay Muwaadinka Soomaaliyeed ay goobta ka baxsadeen,isla markaana ay iyaga goobta ka qaadeen meydka marxuumka.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin oo ay ku baadi goobayeen Kooxda dilka geysatay.

Dalka Koomfur Afrika ayaa waxaa sanad walba si bareer ah loogu dilaa Soomaalida ku Ganacsatada, waxaana todobaadkii hore ay aheyd markii muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay Gudaha dalkaas mid kalena lagu dhaawacay.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Waraysi Xiiso Leh:- Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Arimaha Siyaasadeed Ee Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Vietnam Oo Ka Hadashay Khilaafka Raysal Wasaare Rooble Iyo Madaxwayne Farmaajo

Bnnstaff Bnnstaff

Prof Cabdisalaan Yasiin Oo Siyaasi Buubaa Ugu Baaqay In Uu Soo Cadeeyo Ujeedada Hadlkiisii Dhawaan Ka Soo Yeedhay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More