Borama News Network

Madaxweynaha FIFA Infantino & Tababarihii hore ee Arsenal Wenger maxay ka dhaxeen Kubadda Cagta Soomaaliya?

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino oo kamid ahaa madaxdii goobjooga ka noqotay kulan-ciyaareedkii lagu soo gabagabeeyay tartanka xulalka Afrika ee AFCON 2023 ayaa la kulmay qaar kamid ah madaxdii lagu casuumay kulankaas.

Cali Shiino ayaa kulan gaar ah oo waqti kooban ah la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA loosoo gaabiyo Gianni Infantino & Arsene Wegner oo ah Tababarihii hore ee Kooxda Kubadda Cagta Arsenal ayay uga wada hadleen horumarka cayaaraha Soomaaliya.
Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo lagu faah-faahiyay waxyaabaha kasoo baxay kulamadaas ayaa lagu sheegay in Infantino & Wenger ay amaaneen horumarka kubadda Cagta Soomaaliya.

Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa madaxweynaha FIFA waxa uu warbixin ka siiyay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ay Soomaaliya u qaadday dhinaca horumarinta Cayaaraha.

Waxa uu u sheegay in Soomaaliya ay sanadkaan wajahayso kulamo waa wayn oo isugu jira heer caalami & kuwa qaaradeed, xiriirka ayaa hoosta ka xariiqay in uu isticmaali doonno ciyaartoyda gudaha iyo dibadda si la isugu dheeli-tiro tayadooda.

Related posts

Iran Oo Farriin Usoo Dirtay Israa’iil Xilli Jawaab Laga Sugayo Israa’iil Qudheeda

Abdiaziz Bnnstaff

“Kulmiye 14 sanno oo been ah gobolnimo kuma keenayo Ee Aniga Ii Codeeya Gobolnimadiina Waa Iga Diyaar” Murashax Cirro

Abdiaziz Bnnstaff

Reer Gabilay Iyo Xisbiga Mucaaridksa Ah Ee Wadani Oo Heshiis Cusub Wada Galay Iyo Waxa Uu Ku Saabsanyahay Heshiiskaasi

Abdiaziz Bnnstaff