Dagaal Khasaaro Geystay Oo Dhexmaray Ciidanka Xooga Dalka Iyo Al-Shabaab

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa qeybta 60-aad iyo Al-shabaab ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, waxaana laga helayaa faah faahino.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka bilowday, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin gudaha Diinsoor, sidaasina uu ku dhacay dagaal xoogan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu warramayaa inuu ka dhashay dagaalkii dhacay oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana weerarkii shabaabka ka hadlay Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka qeybta 60-aad ee xoogga dalka.
Saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-shabaab oo ay ku qaadeen Ciidamo fariisimo ku lahaa gudaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa tilmaamay in dagaalka Shabaab looga dilay in ka badan 15 xubnood, sidoo kalane looga qabsaday Ak47 iyo Agab kale ooCiidan, waa sida hadalka looga dhigay.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro xoogan ku qaaday Saldhigyo Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaano ka tirsan Maamulkaas, waxaana weerarada qaarkood ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramNews.com

Related posts

Mudaharaad Meesha Uu Ka Dhacayo Amaankeeda Aanay Dowlada Sugayn Ma Aqbali Karno” Wasiirka Amniga Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland Oo Baadhis Ku Bilowday Hub Laga Keenay Dalka Yemen Iyo Xogo ku saabsan

Bnnstaff Bnnstaff

Qaraxyo Khasaare Gaystay Oo Lala Eegtay Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Puntland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More