Dowladaha Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Ka Wada Hadlay Kordhinta Tababarka Ciidamada

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ku sugan Magalada Antalya ee dalka Turkiga, ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga, Mudane Mevlüt Çavuşoğlu.

Kulanka ayaa looga hadlay fursadaha iskaashiga laba geesoodka ah oo ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyo sidoo kale wadatashiyo ku saabsan arrimaha danta guud iyo in Turkiga uu kordhiyo tababarka uu siiyo Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa guray qaababka loo taageeri karo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga si loo waafajiyo himilooyinka labada dal.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa xilligaan ka dhaxeeya waxyaaabo badan oo ay kamid yihiin, dowladda Turkiga oo dowladda Soomaaliya u tababarta Ciidamo farabadan, kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Kulan Lagaga Hadlayo Mustaqbalka Ciidamada Amisom Oo Muqdisho Ka Furmay

Bnnstaff Bnnstaff

Jubaland Iyo Dowlada Dadaraalka Oo Ka Wada Hadlay Ka Hortega Kaluumaysiga Sharci Darada Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Muuse Biixi Oo Magacaabay Guddi Kasoo Tala-Bixiya Dhibaatadii Dhawaan Ka Dhalatay Muddaharaadka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More